Sacad May 19, 2018 No Comments

Dabaylo roobab xoogan wata kuwaas maalmihii la soo dhaafay illa maanta ka da’ayey aaga xeebaha bariga iyo galbeedka ee gobolada Somaliland.
waxayna hore uga bilaabmeen gobollada Sanaag iyo Saaxil balse dabaysha oo xoogeedu u badnaa dhinaca badda goboladaasi, taasina waxay sababtay in aan khasaare nafeed laga soo sheegin mid hanti iyo maal mooyaane.
Waxaa kaloo la filayaa in roobabkaasi oo maanta ku beegan galbeed Gobolka Saaxil, Salal iyo Gobolka Awdal. Sidoo kalena ay dabayshu u soo gudubi doonto berriga deegaanadaasi oo ku beegan maanta oo taariiriikhdu tahay 19ka –20ka May 2018. lana filay inay geysan karto khasaare lagu qiyaasi karo 20% mar loo eego xawaaraha dabaysha oo cabirkeedu gaadhayo 34-63 knots. sida ka muuqata khariirada hoos ku muujisan.
Sidaa darteed waxaa Xafiiska Saadaasha Hawadaa ee Wasaarada Horumarinta Beeruhu ku war gelinayaa dhamaan dadweynaha Somaliland gaar ahaan Gobolada Saaxil, Selel iyo Awdal in aad looga taxadaro waxyeelada roobabkaas, oo xaddigiisu gaadhayo 60 mm-70 mm. Uuna waxyeelo weyn gaadhsiin karo dadka, duunyada iyo Deegaankaba , geesta kalena illa berri waxaa adkaanaysa isu socodka iyo safarada dhinaca badda iyo berrigaba ee guud ahaan gobollada aan kor ku soo xusnay oo dhan.

Digniin Roob 19-20 May 2018 -Xeebaha G. Galbeed Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *