Sacad May 19, 2018 No Comments

Roobab dabaylo wata oo maalmahan ku soo beegnaa aaga xeebaha ee gobolada Somaliland,
waxayna ka bilaabmeen shalay oo ay taariikhdu ahayd 17kii May 2018, gaar ahaan Gobolka
sanaag oo illaa hadda khasaare weyna aanay ka geysan marka laga reebo laashash uu ka
qaaday xeebta Degmada Laasqoray iyo xoolo uu waxyeelo u gaystay oo aan tiradoodu
badnayn deegaanadda barriga ee gobolkaasi Sanaag.
Waxaa kaloo la filayaa inay roobabkaasi oo dabaylo xoogan wataa illaa caawa saqbadhka ku
soo beegan yihiin xeebaha Gobolka Saaxil, gaar ahaan aaga Berbera sida ka muuqata
khariirada hoos ku muujisan.
Sidaa darteed waxaa Xafiiska Saadaasha Hawadaa ee Wasaarada Horumarinta Beeruhu ku
war gelinayaa dhamaan dadweynaha Somaliland gaar ahaan Gobolka Saaxil, in aad looga
taxadaro waxyeelada roobabkaas, maadaama oo xaddiga roobkaasi gaadhayo 50 mm-60
mm. Uuna waxyeelo weyn gaadhsiin karo dadka, duunyada iyo Deegaankaba , geesta kalena
illa berri waxaa adkaanaysa isu socodka iyo safarada dhinaca badda iyo berrigaba ee guud
ahaan gobolka oo dhan

Digniin Roobabka ku soo adan 18-19 May 2018 – Gobolka Saxil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *