Sacad May 17, 2018 No Comments

Waxaa la filayaa sadexda maalmood ee soo socda in roob xadigiisu badan yahayoo dabaylona wataa ka di’I doona dhinaca waqooyiga ee xeebaha Somaliland, gaar ahaan sida ka muuqata Khariirada hoos ku muujisan, in maanta oo ay bishu tahay 17 May 2018 roobkaasi ku soo fool leeyihiin xeebaha gobolka Sanaag. Beri oo ay bishu tahay 18 May 2018 waxaaa ku soo began yihiin roobabkaasi dhinaca xeebaha Gobolka Saaxil., Maalinta xigta ee bishu tahay 19 ka May 2018 sidoo kale waxaa la filayaa in uu roobkaasi si baaxadleh ugu hoori doono xeebaha gobolka Awdal ee xadka dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti.
Roobabka oo la filayo inay dabaylo wataan ayaa waxaa lagama maarmaan ah in si weyn bulshadu uga feejignaato gaar haan dhulka xeebaha u dhow biyo mareena iyo socdaaal dhinca baddaba in la illaliyo maalmahaan kor ku xusan.
Sidaadarteed waxaa Xafiiska Saadaasha Hawada ee Wasaarada Horumarinta Beeruhu wuxuu ku war gelinayaa in aad looga taxadaro waxyeelada roobkaasi maadaama xadiga roobkaasi gaadhayo 50 mm-60 mm

Saadaasha Roobka 17-18-19 May 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *