Roobkii ugu horeeyey ee Guga wuxuu curtay dhamaadkii Bishii February, wuxuuna socday bishii March
illaa April . Sida ku cad xogta laga soo ururiyey xarumaha saadaasha Hawada ee Gobolada iyo Degmooyinka
dalka. Roobabkii ugu badnaa oo aan mudo dhawr sano ah dalka hore uga di’in, ayaa da’ay intii aynu ku guda
jirnay bisha April 2018.
Guud ahaan, mudadii xogtan la ururinayey.cabirka roobabka ee ay xarumahaasi soo gudbiyeen oo ah roob
xadigiisu aad u badnaa.
Meelaha ugu roobabka badan waxaa ka mid ahaa kuwan hoos ku xusan:
Laasodacawo (388 mm), Baligubadle(296 mm), Gacan-libax(216 mm), Dhubato (180 mm),Ceel-Afweyn
(161.5 mm) , Hargeysa (160 mm), Borama( 144.5 mm),Cadaadley (126 mm),Wajaale( 118 mm), Dilla(110
mm),Malowle ( 101 mm), Botor(101 mm), Botor(40mm), Salaxley ( 93 mm) Aburiin(89 mm), Laascanood
(84 mm), Allaybaday( 83 mm) iyo Ceerigaabo(81 mm).
Deegaamada kale ee ay roobabka fiicani heleen waxaa ka mid ah kuwan ; Dararweyne, Odweyne,
Garadaga, Gebiley, Xudun, Magalo-cad, Sheikh, Gatiitaley, Qulejeed, Waraabeey iyo Burco.
Sidoo kale meelaha roobab lagu diirsaday ka de’een in kastoo qaar ka mida la rabibay bishii April gudeheeda
waxaana ka mida; Beer Baki Tuurka, Berbera Lughaya, Garbodadar iyo Zaylac oo qalabkii ka jabay.

Riix Halkan: Warbixinta roobkii Guga ee bisha April 2018

Leave a Comment