Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa
magacaabid iyo Isku bedel ku sameeyey Agaasime waaxeedada Wasaaradda.
Digreetada Wasiirku ku sameeyey magacaabida iyo isku bedelka ayaa waxa ay u dhignayd sidan
Ujeedo: Magacaabid iyo Isku Bedel Agaasime Waxeedadda Wasaaradda
Markii aan arkay Mihiimadda ay Agaasime Waaxeedadu u leeyihiin
Shaqada Wasaaradda Horumarinta Beeraha
Markaan tixgaliyey Talooyin badan oo lagama maarmaan u ah shaqada iyo
Hawl socodsiinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
Markaan ogaaday Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waayo aragnimadooda
Sidaas awgeed waxaan u magacaabay in ay ahaadaan Agaasime Waaxeedadda Wasaaradda Horumarinta Beeraha Magacayadan hoos ku xusan:
No. | Magaca | Waaxda
|
1 | Saam Axmed Jaamac ( Aar)
|
Qorsheynta, Mashaariicda, Tirokoobka iyo Xidhiidhka Hay’addaha
|
2 | Xasan Cabdi Jaamac khayre
|
Maamulka, Xisaabaadka iyo Taakulaynta (Gaadiidka iyo Cagafyadda)
|
3 | Yaasmiin Xasan Siciid Dirir
|
Shaqadda iyo Shaqaalaha
|
4 | Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim | Wax soo saarka iyo Sugida Cuntada
|
5 | Cabdiqani Yuusuf Galaydh | Dhulka, Biyaha iyo Saadaasha Hawadda
|
6 | Maxamed Daahir Warsame Faarax
|
Cilmi Baadhista iyo Fidinta
|
7 | Maxamed Siciid Maxamed Maxamuud
|
Badbaadadda Beeraha
|
Laga bilaabo Taariikhda Qoraalkani soo baxay waxaa la idinka filayaa in aad si xilkasnimo leh aad u gudan doontaan xilka iyo waajibkaasi la idin saaray ee la xidhiidha Wasaaradda Horumarinta Beeraha, kuna shaqayn doontaan Hufnaan iyo Daacadnimo.
Wabillaahi Tawfiiq.
Axmed Muumin Seed
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.